Vi bøger
Levering: 1 - 2 hverdage

Bøger af Cabdulqaadir Cabdulle Diini

Filter
Filter
Sorter efterSorter Populære
  • af Cabdulqaadir Cabdulle Diini
    117,95 kr.

    TARANKII QURBAHA TAGEY waa qoraal gaaban oo si kooban uga hadlaya, guud ahaan xaalka ay ku nool yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddammada galbeedka ee Yurub, Waqooyiga Ameerika, Ustaraaliya, iwm. Wuxuu si gaar ah qoraalku wax uga bidhaaminayaa xaaladda ubadkeenna ku nool qurbaha. Buuggan oo ah mid gaaban baa loogu talo galay inuu noqdo mid baraarujiya, waxna u ifiya bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Galbeedka. Iyadoo aanay cidina ka reebbanayn akhriskiisa ayaa hadan waxaa si gaar ah loogu talo-galay inay ka faa'iidaystaan dadka galbeedka ku nool oo aan xog sidaa ah aan ka hayn deegaanka ay ku nool yihiin. Sidoo kale, in dadweeynaha Soomaaliyeed ee w¿addankii ku nool ay ogaadaan nolosha iyo xaalka dhabta ah ee eheladoodii iyo dadkoodii galbeedka u qaxay ay ku sudan yihiin. Sidoo kale inuu dhiiri galiyo dadka arrinkan ku takhasusay kuna aqoonta badan in ay arrintan wax ka qoraan.CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu qoray toddoba buug oo kala ah: Ka joogsada qof yiri Laa Ilaaha Illallaahu xaqeeda mooyee iyo Baarka Sare ee Islaamka oo hal buug isla ah (2011): Tarankii Qurbaha tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance..

  • af Cabdulqaadir Cabdulle Diini
    192,95 kr.

    KA JOOGASADA QOF YIRI "Laa ilaaha illalaahu" XAQEEDA MOOYEE waa buug ka hadlaya mawduuc muhiim ah, gaar ahaan xilliyadan dambe ee ay fitnadu badatay. Waqtigan sida fudud loogu xadgudbo Shareecada Islaamka, lagana leexday jidkii ay qaadeen kuwii hanuunsanaa. Xilligan laga fogaadey, lana fududeystay Sunnadii Näbiga NNKA. Xilligan oo kale halkii loo carari jirey iyo culimadii dadkii laga horjoogsadey. Wuxuu Rasuulku, NNKA yiri "Culimadu waa kuwa dhaxla Nabiyada". Waa muxaadaro dhowr habeen socotey, uuna soo jeediyey Shiikh Shariif Cabdinuur Shariif Xasan, Alle ha u naxariistee. Mawduucu wuxuu si gaar ah ugu hadlayaa khatarta gaalaysiinta qofka muslimka ah. Waxaa weheliya qormo gaaban oo ah muxaadaro uu isla shiikhu soo jeediyey oo cinwaankeedu yahay "Baarka Sare ee Islaamka".SHIIKH SHARIIF CABDINUUR SHARIIF XASAN sannadkii 1941 ayuu ku dhashay deegaanka Fiiq, Dhulka Soomaali Galbeed. Naxwaha wuxuu ka akhristay Shiikh Axmed Baaruud, Sarfiga iyo Fiqigana Shiikh Maxammed Xaaji. Wäxbarashadiisii dugsiga sare ilaa heer jaamacadeed wuxuu ku soo qaatay Jaamacadda Al-azhar. Soomaaliya wuxuu ku soo noqday 1972-dii, wuxuuna macallin ka noqday kulliyadihii Lafoole iyo Gaheyr.CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu qoray toddoba buug oo kala ah: Ka joogsada qof yiri Laa Ilaaha Illallaahu xaqeeda mooyee iyo Baarka Sare ee Islaamka oo hal buug isla ah (2011): Tarankii Qurbaha tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021). Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

  • - : Caqiidadeeda Iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika
    af Cabdulqaadir Cabdulle Diini
    152,95 kr.

    AF SOOMAALI / SOMALI DESCRIPTION: Ogaanshaha taariikhda iyo caqiidada shiicadu waxay noqdeen xilliyadan dambe lama huraan marka la eego aqoonta yar ee ay ummadda Muslimka ahi u leedahay, gaar ahaan bulshweynta Soomaaliyeed. Sidoo kale, faafitaanka xawliga ku socda ee caqiidada iyo siyaasadda Shiicada, kuwaasoo ku fidaya xoog iyo xeelba, ayna daadihinayaan dawlad, waa Iiraane, iyo shacabkeedii oo isku duuban, waxay u baahan yihiin baraarug iyo feejignaan ilaa heer ummadeed ah. Qormadan kooban waxay isku dayeysaa inay wax ka bidhaamiso jawaabaha weydiimahan soo socda: Waa maxay sooyaalka Shiicada? Maxay bulshada shiicada ahi rumeysan tahay? Waa sidee qaab-dhaqankooda siyaasadeed iyo midka diineed ee ay dadka Muslimiinta, Sunniga ah kula dhaqanto? Ma jirtaa wax xog ah oo la cuskan karo oo muujineysa jiritaankoodii Geeska Afrika iyo Soomaaliya? Cilmi-baaris la sameeyey, si jawaab loogu helo isweydiimahaa kor ku xusan, waxay soo bandhigeysaa taariikhda madow iyo caqiidada silloon ee kooxda shiicada. Sidoo kale, qorshaha dahsoon ee ay dawladda Shiicada ee Iiraan u degsatey sidii ay u shiiceyn laheyd bulshada Muslimiinta, Sunniga ah. Dhanka kalena, dibindaabyada sir iyo saaqba leh ee ay ka dhexwaddo Muslimiinta. Waxa kale oo ay qormadu wax ka tilmaameysaa sooyaalkii shiicada ee Geeska Afrika. ENGLISH DESCRIPTION: Knowledge on Shi'i Islam has become somewhat of a rarity or a speciality area for mainstream Muslims, and for Somalis it is even less. As such, with today's political and ideological spread of Shi'ism in the world and in Africa specifically, as spearheaded by Iran, it is utmost importance that some background knowledge should be available in the Somali language. This short work aims to answer some important questions such as; What is the historic relevance of Shi'ism? What is the creedal points of Shi'i Islam? How do they approach the Sunni Muslims, religiously and politically? Is there any data to support the influence of Shi'ism in East Africa, and specifically Somalia? This work is research based findings that tackle the above points and concisely reproduces the dark history that is Shi'ism. Also there is clear evidence of Iran's foreign policy that has an agenda to spread Shi'ism. This work also highlights some points of covert missions to undermine Sunni states in East Africa. Lastly the work will cover the historic experience of Shi'ism in East Africa.

  • af Cabdulqaadir Cabdulle Diini
    147,95 kr.

    Labada jaad ama jinsi ee ragga iyo dumarka waxaa Alle u doortay inay dunida maamulaan, mid kastana wuxuu u yeelay hawl iyo xil saaran iyo xuquuq iyo xaqdhowr uu xilkaa la saaray ku yeelanayo. Hooyada waxaa laga dhigay tiir-dhexaadka ay bulshadu ku taagan tahay, la'aanteedna aanay bulshadu taabbaqaadi karin, qoyskuna aanu dhisnaan karin. Marka dib loo jalleeco sooyaalka iyo dhigaallada laga sameeyey noloshii dumarka soo mareen, waxay muujinayaan inay soo mareen heerar kala duwan haddii ay noqon laheyd dhanka nolosha, halka ay ka joogto bulshada, dhanka xuquuqda iyo wixii la mid ah. Ilbaxnimooyinkii iyo bulshooyinkii dunida soo maray waxay ku xadgudbeen qaayihii iyo karaamadii dumarka. Qaarkood sidii badeecadii ayey iibiyeen, qaarkoodna iyagoo nool ayey dab ku rideen ama aaseen. Islaamku wuxuu dabargooyey dhaqammadii xumaa ee dumarka lagula kici jirey. Sida raggaba, wuxuu siiyey xuquuq, wuxuuna saaray xil. Hagardaamooyinkaa dumarka lagu hayey waxaa ka dhashay gadoon iyo kacdoon looga dhiiddhinayo dhibaatooyinkaa dumarka haystey. Kacdoonkaasu wuxuu keenay in aqoonyahanka iyo culimada Saynisku ay cilmibaaris sameeyaan si ay jawaab ugu raadinayaan is weyddiimo badan oo dhashay. Sidee ayey aheyd nolosha haweeneyda Islaamka ka hor, Islaamkuse muxuu ka qabtay? Ma dhab baa in Shareecada Islaamku aanay dumarka tixgelin siin oo aanay xuquuqdooda dhawrin? Maxaa keenay kacdoonkii dumarka ee Yurub ka bilowdey? Ma xornimo-u-dirir ayey ahaayeen, mise waxay doonayeen sadbursi iyo inay helaan sad aanay laheyn? Maxaa keenay dagaalka ay ku hayaan diimaha, gaar ahaan Islaamka? Ma jiraan wax caddeynaya in ragga iyo dumarku abuur ahaan ay jirto wax ay ku kala geddisan yihiin?KU SAABSAN QORAAGA:CABDULQAADIR CABDULLE DIINI waa qoraa deggen waddanka Ingiriiska, waana aabbe Toddobo carruur ah. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin: Ka Joogsada qof yiri "Laa Ilaaha Illallaah" (2011); Tarankii Qurbaha Tagey (2011); Hoggaanka iyo Haweenka (2013); Shiicada: Caqiidadeeda iyo Sooyaalkeedii Geeska Afrika (2017); Xeerka Soomaalida iyo Calmaaniyadda Maxaa u Dhexeeya? (2019); Gunaanad (2021).Dhanka waxbarashadiisa, wuxuu Dugsiga Sare uga baxay magaalada Dhuusamarreeb sannadkii 1985. Intii uu joogey Ingiriiska wuxuu qaatay shahaadada Bachelor of Science (Bsc) Civil Engineering iyo sidoo kale Postgraduate Certificate (PGC) oo ah Islamic Banking and Finance.

Gør som tusindvis af andre bogelskere

Tilmeld dig nyhedsbrevet og få gode tilbud og inspiration til din næste læsning.