Vi bøger
Levering: 1 - 2 hverdage

Bøger af Maxamed Xuseen Macallin

Filter
Filter
Sorter efterSorter Populære
  • af Maxamed Xuseen Macallin
    220,95 kr.

    Qarniyadii dhexe waxaa geyiga carbeed caan ka noqdey culimo asal ahaan ka soo jeedda geeska Afrika ee ay degaan dadka ay ka mid yihiin Soomaalidu, kuwaa oo qeyb lixaad ka qaatey kaalimo kala duwan oo kaga aaddanayd horumarka bulshada, ha ahaato dhanka cilmiga iyo faafintiisa, ama dhanka garsoorka, tarbiyadda iyo gundhigga diinta Islaamka. Culimadaasi kuma aysan jaango'neyn degaan keliya e, waxay ku kala firirsanaayeen dhammaan geyiga carbeed, muddooyin kala duwan.Raadraaca taariikhda culimada Soomaaliyeed ee waayadii hore waxaan ku ogaan karnaa heerka iyo baaxadda ay gaarsiisan tahay magaca iyo qiimaha ay ku lahaayeen bulshada Islaamka dhexdeeda, waxaana hubaal ah in aanay jirin magaalo ama goob ay bulshadu deggan tahay oo aanay joogin culimo ku xeel dheer diinta iyo cilmiga la xiriira.Waxase nasiib xuma ah in uusan jirin ilaa iyo hadda buug lagu soo bandhigo sooyaalkii culimada Soomaaliyeed oo ka faalloonaya taariikhdooda oo keliya, afka uu rabo ha ku qornaadee, in kasta oo ay jirto in qorayaal badan ay isku dayeen inay wax uun ka xusaan culimada qaarkeed iyo waayahoodii oo ay ku dhex dareen cilmi-baarisyo kale oo laga sameeyay cilmiga iyo faafinta diinta ee dalka Soomaaliya.

  • af Maxamed Xuseen Macallin
    192,95 kr.

    Bulsho kasta waxay leedahay hal-abuuro ay tilmaamaan kana muuqda dadka dhexdooda, la yaabna ma leh in la qadariyo hal-buurka ku xeel dheer dhaqanka, suugaanta, taariikhda iyo hantida aqooneed ee gaarka u ah iwm. Runtii qiimaha iyo waxtarka ay leeyihiin haldoorka Soomaaliyeed ma aha mid la qiyaasi karo, gaar ahaan kuwii ka muuqday masraxa iyo fagaarayaasha aqooneed ee ku firirsan dunida dacaladeyda. Waxay ahaataba qoraalka buugakani waxaa uu xanbaarsan yahay dabagalka tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee qurbaha si aynu u iftiimino dadaalada hal-doorka iyo xarumaha aqooneed ee ku aadan kor u qaadida iyo difaaca dhaqanka iyo afkeena hooyo ee qurbaha, gaar ahaan wadamada woyooyiga Yurub iyo boqortooyada Ingriiska."Waxaa la oran karaa walibana lagu faani karaa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed asaaggood way ka firfircoonaadeen, qayrkood way ka dheereeyeen. Qoladaan oo ay ku yaryihiin inta ku abtirsata tacliinta waxay dhabarka u riteen xil aan looga baran hal-abuurka noocooda ah dalalka kale. Waxay xambaarsadeen xilii garwadeenimada ama hoggaaminta fekerka bulshada ...Tani waa xaqiiqda jirta oo qof kasta la taabsiin karo...Waa in aan qirnaa in ay duulkani noo ceebastureen." Dr. Maxamed Daahir Afrax

  • af Maxamed Xuseen Macallin
    222,95 kr.

    "Waxaa la oran karaa walibana lagu faani karaa hal-abuurka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed asaaggood way ka firfircoonaadeen, qayrkood way ka dheereeyeen. Qoladaan oo ay ku yaryihiin inta ku abtirsata tacliinta waxay dhabarka u riteen xil aan looga baran hal-abuurka noocooda ah dalalka kale. Waxay xambaarsadeen xilii garwadeenimada ama hoggaaminta fekerka bulshada ...Tani waa xaqiiqda jirta oo qof kasta la taabsiin karo...Waa in aan qirnaa in ay duulkani noo ceebastureen." Dr. Maxamed Daahir Afrax.Bulsho kasta waxay leedahay hal-abuuro ay tilmaamaan kana muuqda dadka dhexdooda, la yaabna ma leh in la qadariyo hal-abuurka ku xeel dheer dhaqanka, suugaanta, taariikhda iyo hantida aqooneed ee gaarka u ah iwm. Runtii qiimaha iyo waxtarka ay leeyihiin haldoorka Soomaaliyeed ma aha mid la qiyaasi karo, gaar ahaan kuwii ka muuqday masraxa iyo fagaarayaasha aqooneed ee ku firirsan dunida dacaladeyda. Waxay ahaataba qoraalka buugakani waxaa uu xanbaarsan yahay dabagalka tiirarka adag ee uu ku taagan yahay dhaqanka iyo afka Soomaaliga ee qurbaha si aynu u iftiimino dadaalada hal-doorka iyo xarumaha aqooneed ee ku aadan kor u qaadida iyo difaaca dhaqanka iyo afkeena hooyo ee qurbaha, gaar ahaan wadamada woyooyiga Yurub iyo boqortooyada Ingriiska.KU SAABSAN QORAAGA:¿¿Dr. Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ku dhashay Muqdisho 1964kii. Sidoo kale waa bare, iyo cilmibaare. Wuxuu ka qalan jabiyay Jaamacat Umm al-Quraa' ee Makka al-Mukarama, qodob ku saabsan Taariikhda Islaamka sanadkii 1987-1991kii, isla jaamacaddaas sidoo kale master sanadkii 1992kii. PhD wuxuu ku sameeyay Jaamacada al-Niilayn ee Suudaan sanadkii 2001-2006kii. Dr Maxamed Xuseen Macallin wuxuu ka soo shaqeeyay Jaamacada badan. Sidoo kale qoraagu wuxuu ka mid yahay ururo aqooneed oo caalamka ku firirsan. Wuxuu horey u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin kuwan: Diiwaanka Maansooyinka Abshir Bacadle, (2014); Taariikhda Culimada Soomaaliyeed (2021); Haldoorada Afka iyo Dhaqanka Soomaalida ee Qurbaha: Ingiriiska iyo Waqooyiga-Yurub (2023). Sidoo kale wuxuu Afcarabi ku qoray: al-Thaqaafat al-Carabiyyah war-Ruwwaaduhaa fiil-Soomaal (2011); Mucjam al-Mu'allifiin al-Soomaaliyiin fiil-Carabiyyah (2016); Cibaaqarat al-Qarn al-Ifriiqii (2017); al-Calaaqat bayn al-Qarn al-Ifriiqii wal Caalam al-Khaarijii (2021).Dr Maxamed Xuseen Macallin hadda wuxuu deggen yahay waddanka Noorwaay, waana aabbe, xaas, caruur leh..

Gør som tusindvis af andre bogelskere

Tilmeld dig nyhedsbrevet og få gode tilbud og inspiration til din næste læsning.